Xashiish qiimihiisu yahay 5.6 milyan oo la qabtay

Ciidamada booliska ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen 267 kilogaraam oo xashiish ah islamarkaana lagu qiimeeyay lacag dhan 5.6 milyan oo shilinka dalka.
Ciidamada booliska ayaa daroogadani ay ka soo qabteen degaanka Kisumu ndogo ee magaaladatan Nairobi.
Sida laga soo xigtay waxda dambi barista ee DCI-da ayaa daroogadaani laga soo buuxiayay gaari nuuciisu yahay Toyota Probox aargadiisuna tahay KBW 512C.
Darwalkii gaariga waday ayaa goobta isaga baxsaday iyadoona haatan ay saraakiisha qaabilsan dhanka muqaadaraatka ay ku daba jiraan.
Gaariga ayaa lageeyay xarunta DCI-da qeybtyda starehe.
Dhanka kale, milkiilaha gaariga, oo magaciisu lagu sheegay Polycarp Otieno Aduda ayaa sidoo kale booliska ay kudaba jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here