Xassan Cali Khayre oo Muqdisho ka dhoofay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay dalka uga baxay tan iyo markii Baarlamaanka Soomaaliya ay 25-kii bishii July ee sanadkan sheegeen inay Kalsoonidii kala noqdeen Xukuumadii uu hogaaminayay.
Xassan Cali Khayre oo bishii hore ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta u dhoofay dalka Jabuuti.
Sidoo kale safarka Xasan Cali Khayre ee maanta ayaa kusoo aadaya, iyadoo isla maanta uu safarkiisii ugu horeeyay dalka uga baxayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble tan iyo markii xilkan loo magacaabay 17-kii bishii hore ee Sebtember Sidoo kalena 26 Isla Bishii September ay Baarlamaanku Meelmariyeen.
Ra’isulwasaaraha Rooble ayaa ku wajahaan Maanta dalka Kuwait, si uu uga qeyb galo tacsi loo sameynayo Amiirkii dalkaas oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here