Xayiraad guud ee dhanka dhaqdhaqaaqa oo laga cabsi qabo

Waxaa laga cabsi qabaa in amar maalmo ka hor Dowladda ay ku soo rogtay afar ka mid ah ismaamullada dalka lagu soo rogo dowlad deegaannada kale.
Amarka ayaa ah inaan muddo 21 cisho ah loo safri Karin ama laga soo bixin Karin ismaamullada Nairobi, Mombasa, Kwale iyo Kilifi.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in hadii xaaladda ay sii xumaato ay tallaabooyin dheeraad ah qaadi doonaan.
Waxaa uu sheegay in Kenyaanka laga doonayo inay isku diyaariyaan in dowladdu ay qaadato go’aamo uu ku tilmaamay kuwo la dhibsan karo balse lagama maarmaan ah.
Hadalka wasiirka waxaa ka sii horreeyay mid uu jeediyay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo ahaa inay sameynayaan wax kasta oo uu dastuurka u ogol yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here