Xayiraad ka dhan ah shirkadda Huawei oo maanta dhaqangalaysa

Waxaa maanta oo jimco ah dhaqangalaysa xayiraad dowladda Maraykanka ay saartay shirkadaha uu ganacsiga kala dhexeya shirkadda teknoolojiyadda ee Huawei.
Arrimahan ayaa waxaa shaaca ka qaaday xoghayaha ganacsiga ee xukuumadda Washington Wilbur Ross.
Xayiraaddan cusub ayaa shirkadda Huawei ee laga leeyahay Shiinaha waxay ka mamnuucaysaa inay qalabka teknoolojiyadda ka iibsato shirkadaha Maraykanka iyadoo dowladda dalkaasi aynan ansixin.
Liiska shirkadaha uu Maraykanku xayiraadda saaray ayaa waxaa ka mid ah Huawei iyo 70 kale oo uu ganacsi kala dhexeyo.
Mr. Ross ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu doonayo inuu teknoolojiyadda xukuumadda Washington ka badbaadiyo in shirkado shisheeye ay u adeegsadaan qaab hoos u dhac ku keeni karto amniga qaran iyo siyaasadda ay Maraykanku uu ku maarayo arrimaha dibadda iyadoo lagu saleynayo ilaalinta danaha u gaarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here