Xayiraad la saaray xeryaha qaxootiga Dadaab iyo Kakuma oo maanta dhaqan galaysa

Waxaa laga billaabo maanta dhaqan galaya xayiraad ay dowladda ku soo rogtay xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa qoraal uu soo saaray galinkii dambe ee shalay arrinkan shaaca kaga qaaday.
Matiang’i ayaa xusay in laga billaabo 29-ka bisha April oo maanta ku beegan aan loo safri karin sido kalena laga soo bixi karin qaxootiga.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda dhexe iyo ismaamullada ay ugu jiraan xakameynta faafitaanka cudurka covid-19
Xayiraadda noocan ah ayaa horay loogu soo rogay ismaamullada Mandera, Nairobi, Mombasa , Kwale iyo Kilifi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here