Xayiraad lagu soo rogay xero qaxooti oo ku talla dalka Uganda

Dowladda Uganda iyo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa waxay xayiraad ku soo rogeen mid ka mid ah xeryaha qaxootiga ee ugu weyn Afrika ee Kyangwali ee ku taalla dalka Uganda, kaddib markii laga xaqiijiyay kiisas la xiriira cudurka coronavirus.
Qaxootiga halkaas jooga ayaa sheegaya inay dareemayaan saameynta xayiraadda iyo sidoo kale cudurka.
Xerada qaxootiga Kyangwali oo ku taalla koonfurta galbeed ee Uganda, ayaa waxaa ku nool in ka badan 120,000 oo qaxooti ah.
Xayiradda lagu soo rogay halkaasi ayaa loo sababeeyay tirada sii kordheysa ee kiisaska coronavirus ee shaqaalaha gargaarka iyo qaxootiga.
Bayaan ay soo saareen dowladda Uganda iyo wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa lagu sheegay in 40 qaxooti ah iyo shaqaalaha samafalka ee Kyangwali laga helay fayraska sii faafaya ee Covid-19, halka ay dhinteen laba qof oo qaxooti ah.
Arrintan ayaa imaaneyso iyada oo hay’adda cunnada adduunka ee WFP ay ka digtay inay hoos u dhici doonto cunnada la siiyo qaxootiga ku nool bariga Afrika.
Xerada qaxootiga ee Kyangwali ayaa waxaa ku nool dad intooda badan ka soo qaxay dalka Congo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here