Xayiraadda ka dhanka ah coronavirus ee Venezuela oo la kordhiyay

Madaxweynaha dalka Venezuela , Nicolas Maduro ayaa shaaciyay in xayiraadda lagu xakameynayo faafidda caabuqa corona lagu kordhiyay muddo bil ah.
Mr. Maduro ayaa sido kale sheegay in 5,491 qof oo ka mid ah muwaadiniinta wadankaas laga helay cudurka COVID19.
Wuxuu intaa ku daray in dadkan ay dhawaan ka soo laabteen safar ay ku tageen dibadda Venezuela.
Tirada guud ee xaaladaha coronavirus ee wadanka Venezuela ayaa hadda ah 26,000 halka dhimashadu ay gaartay 223 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here