Xayiraadda Nairobi, Mombasa iyo Mandera oo meesha laga saaray

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta shaaciyay in laga billaabo afarta aroornimo ee berri oo Talaado ah ay soo afjarmayso xayiraadii lagu mamnuucay in la soo galo ama laga baxo ismaamullada Nairobi, Mombasa iyo Mandera.
Bandowga habeenkii dalka ka jiro laga billaabo 9-ka fiidnimo ilaa iyo afarta aroornimo ayaa lagu kordhiyay muddo 30 cisho ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii xaaladda ay sii xumaato la soo celinaya xayiraadda dhanka safarrada.
Waxaa uu xusay in muddo 21 cisho ah si dhow loola socon doono waxyaabaha cudurka ku soo kordho .
Mr. Kenyatta ayaa intaa ku daray in wadanka si tartiib ah la isugu furayo .
Waxaa uu sido kale sheegay in la dagaalanka cudurka COVID19 ay tahay mas’uuliyad shakhsiyeed oo aan dowladda keliya lagu haleyn Karin.
Muwaadiniinta ayuu u sheegay in laga doonaya inay si buuxda ugu hoggaansamaan amarrada iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafitaanka fayraska.
Waxaa uu xusay in fududeynta xayiraadaha ay ku xiran tahay habdhaqanka qof kasta.
Mr. Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in muwaadin kasta looga baahan yahay inuu badbaadiyo naftiisa , midda qoyskiisa iyo bulshada kale.
Sido kale waxaa uu soo jeediyay in la yareeyo wada macaamilka iyo isku socodka aan muhiimka ahayn.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sido kale ku taliyay inaan safarrada aan muhiimka ahayn lagu tagin deegaannada dalka ee ka baxsan goobta uu hadda qofku ku sugan yahay.
Uhuru Kenyatta ayaa shacabka ugu baaqay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan oo ay sida haboon u xirtaan maaskarada si joogto ahna ay gacmaha u dhaqdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here