Xayiraadda wadamo dhowr ah ka jirta oo la fududeynaya

Wararka naga soo gaaraya caasimadda dalka Indonesia ee Jakarta, India iyo New York oo ka tirsan Maraykanka ayaa sheegaya in laga billaabo maanta la qafiifin doono amarradda horay loo soo saaray ee dhanka isku socodka ah.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo guud ahaan caalamka in ka badan 7 milyan oo qof uu haleelay cudurka Covid-19.
Waxaa u dhintay ku dhawaad 403,000 qof sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto xaaladaha xanuunka ee sii kordhaya.
Dhimashada ugu badan waxaa laga soo tabiyay wadamada Maraykanka,Ingiriiska , Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here