Xayiraadii saarneyd magaalada Moscow ee dalka Ruushka oo la kordhiyay

Maamulka magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayaa kordhiyay xiritaanka magaalada caasimada ah ilaa iyo dhamaadka bishan.
Dhanka kale Shiinaha ayaa diwaangaliyay hal kiis oo Corona Virus ah maalintii shalay aheyd Sidda ay shaacisay hay’adda caafimaadka qaranka maanta.
Halka kiis ayaa ah qof dalka dibadiisa laga keenay 8-dii May.
Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in ay si buuxda uga guuleysatay ka hortagga Cudurka Corona virus, islamarkaana hadda dalkeeda oo uu kasoo bilowday Corona virus ee muujiyay Isku duubni.
Tirada guud ee Shiinaha ee kiisaska coronavirus ayaa hadda ah 82,887, in kasta oo 78,000 xaaladood ay soo kabsadeen, halka tirada rasmiga ah ee dhimashaduna aan wali laga beddelin 4,633.
Dhanka kale Dalka Talyaaniga ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan Midowga Yurub ee diiwaangeliya in ka badan 30,000 oo ah dhimasho la xiriira cudurka coronavirus.
24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa la shaaciyay 243 oo dhimasho cusub ah, halka maalintii ka horreysay ay dalkaasi ku dhinteen 274. Tiradan cusub ayaa tirada guud ee dhimashada cudurkaasi ka dhigeyso 30,201.
Tirada maalinlaha ah ee kiisaska cusub ee la xaqiijiyay ayaa wax yar hoos uga dhacday 1,327, taasi oo ka dhigeysa tirada guud ee dadka uu cudurka ku dhacay 217,185 oo oqf.
Wadanka Talyaaniga ayaa ah waddanka saddexaad ee ugu sarreysa dhanka dhimashada caalamka oo dhan, waxaana ka sarreeya Mareykanka iyo Ingiriiska.
Dhinaca kale Maamulka magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayaa kordhiyay xiritaanka magaalada caasimada ah ilaa iyo dhamaadka bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here