Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo booqday fariisimaha Macawisleyda.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 27aad ayaa booqday deegaanno ka tirsan dagmada Buulo_burte ee gobolka Hiiraan oo ay ku suganyihiin kooxda macwiislayda ee dagaalka kula jirta ururka Al-shabaab.
Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa kooxda Macawisleyga kaga mahad celiyay sida ay shabaabka uga sifeeyeen dhamaan deegaanadii ay horay ugu sugnaayeen ee nawaaxiga degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan iyo gobolada kale sida shabeelada dhexe iyo Galgaduud oo ay ka howlgasho Macawisleyda.

Aas-aasihii kooxda macawislayda ayaa sharaxa wixii dagaalkaan ku kalifay iyo sidii ay ula dagaalameen AL-shabaab.

Kabtan Axmed oo ka mid ah Ciidamada xoogga ayaa dowlada ugu baaqay inay si weyn Gacan u siiso Macawislayda Shabaabka la dagaalamaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here