Xeer ilaaliyaha guud ee dalka oo ku baaqay kulan ku saabsan qeybsashada dhaqaalaha

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mr. Paul Kihara Kariuki ayaa isugu yeeray kulan degdeg ah oo looga arrinsanayo arrimaha ku aaddan sida la doonayo in loo qeybsado dhaqaalaha qaran.
Waxaa kulanka ka soo qeyb galaya wakiilo matalaya wasaaradda maaliyadda, baarlamaanka iyo aqalka sare.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa gudaha wadanka ka jiray muran iyo hadal hayn ku aaddan sida dowladda dhexe iyo ismaamulada ay u qeybsan karaan dakhliga qaran ee dowladda soo galo.
Guddoomiyaasha dowlad deegaanada ayaa maalmo ka hor maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court geeyay dacwad ay ku doonayaan in faahfaahin looga bixiyo in baarlamaanka uu awood u leeyahay inuu jaangooyo qoondeynta dhaqaalaha loo qeybinayo labada dhinac iyadoo aan weli la ansixin hindise sharciyeedka qeexaya qeybsashada dakhliga ee (DoRB).
Waxay sido kale doonayaan in maxkamadda ay caddeyso saameynta ka dhalan karto in baarlamaanka iyo aqalka sare aynan ku heshiinin sida kheyraadka qaran loo qeybsanayo.
Mas’uuliyiinta dowlad deegaanada ayaa dhankooda ku doodaya in ismaamulada weerar dhanka dhaqaalaha ah lagu hayo .
Waxay intaasi ku dareen in wasaaradda maaliyadda oo ismaamulada aan ku wareejin dhaqaale ku filan ama kala soo daahdo intii loo qoondeeyay ay saameyn ku yeelatay adeegyada ay dadweynaha ku nool deegaanada kala duwan u fidiyaan.
Aqalka sare ee dalka ayaa doonaya in ismaamulada loo kordhiyo lacagaha ay ka helaan dowladda dhexe.
Muranka la xariira qeybsashada dakhliga qaran ee dalka ayaa yimid kaddib markii baarlamaanka uu soo jeediyay in 47-da ismaamul ee wadanka ka jiro loo qoondeeyo miisaaniyad dhan 310 bilyan oo shilin halka xubnaha aqalka sare iyo golaha barasaabyada ee CoG ay doonayaan in dhaqaalahaasi laga dhigo 335 bilyan oo shilin.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa horay isugu dayay inuu labada dhinac kala dhexdhexaadiyo balse dadaalkaasi ayaa u muuqdo mid aan guulaysan.
Barasaabka ismaamulka Kisumu ,Prof Anyang Nyong’o ayaa baarlamaanka dalka ku eedeyay inuunan tixgelinaynin waxqabadka dowlad deegaanada iyo qarashaadka ku filan ee lagu maareyn karo howlaha loogu adeego shacabka.
Waaxda maxkamadda u qaabilsan diiwaangelinta kiisaska ayaa sheegtay in dacwadda ay guddoomiyaasha isniintii geeyeen la soo hadal qaadi doono berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 19-ka bishan toddobaad sannadka 2019-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here