Xeer ilaaliyaha guud oo u jawaabay Maraga

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki ayaa ka jawaabay hadal shalay ka soo yeeray madaxa caddaaladda ee wadanka Mr. David Maraga.
Hadalka Maraga ayaa ahaa in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu diiday in la dhaariyo 41 garsoorayaal ah.
Mr. Kihara ayaa dareenka uu muujiyay Maraga ku tilmaamay mid loo baahan yahay balse qaabka ku habboon aan loo soo bandhigin.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in golaha fulinta uunan ku dayin doonin Maraga .
Sido kale xeer ilaaliyaha guud ee dalka ayaa ku nuuxnuuxsaday in madaxa cadaaladda ee dalka uu baal maray dastuurka maadaama sida uu hadalka u dhigay uu soo qaatay arrimo maxkamadda hor yaalla oo aan weli go’aan kama dambeys ah laga soo saarin.
Wuxuu intaa ku daray inaynan suurtagal ahayn in madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu ansaxiyo magacaabidda garsoorayaal habdhaqankooda su’aal la geliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here