Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay dil xalay Muqdisho loogu Gaystay Masuul Xafiiskiisa ka tirsanaa

Ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa dowladda Soomaaliya, islamarkaana ilaalo u ahaa Mid ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumada fedraalka ayaa la sheegay inay Magaalada Muqdisho ku dileem mid ka mid ah Shaqaallaha Xafiiska Xeerilaaliyaha Qaranka.
Dilka ayaa ka dhacay Tre-piano oo ka tirsan Waddada Maka Almukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Dilka Marxuum Maxamed Cabdulqaadir Cilmi ayaa yimid ka dib markii ay ka shakiyeen gaariga uu watay Ciidamo la sheegay inay ilaalo u ahaayeen Wasiirka Caddaaladda dowladda Fedraalka Soomaaliya.
Xeerilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka tacsiyay dilka Maxamed Cabdulqaadir Cilmi loogu gaystay Magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii Dilka geystay.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa wuxuu la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo shaqaalaha xafiiska Xeer-ilaaliya Guud ee Qaranka tacsi tiiraanyo leh geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Sarkaalkaas ka Tirsanaa Xafiiskiis oo gacan ka xaqdaran ku dishay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here