DHAGEYSO:Xeer ilaaliyihii Maxkamadda ciidamada Somaliland oo ku biiray Puntland

Sida ay Baahisay warbaahinta gudaha Soomaaliya G/Dhexe Sahal Faarax Raage oo ahaa Xeer ilaaliyihii Maxkamadda sare ee ciidamada Somaliland ayaa sheegay inuu ku biiray maamulka Puntland, isagoo ka sheegay magaalada Garowe inuu iskaga tagay xilkii xeer ilaaliyaha ee uu u magacaabay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale Sarkaalkaas ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka tanaasulay xubinnimadii Maxkamadda ciidamada Somaliland, isla markaana wixii hada ka dambeeya uu ka tirsanyahay maamulka Puntland.
Ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland ayuu sheegay inuu ka mid yahay wixii xiligaan ka dambeeya, isagoo sababta uu uga soo goostay Somaliland ku sheegay cadaalad darro sida uu hadalkiisa u dhigay hareysay hey’adaha kala duwan ee xukuumadda Somaliland.
Xaflad loogu sameeyay magaalada Garowe oo uu hadlakaan ka jeediyay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo ku soo dhaweeyay magaaladaasi.
Dhanka Somaliland wali wax war ah kama soo bixin oo ku aadan Xeer ilaaliyihii Maxkamadda sare ee ciidamada Soomaaliland oo u goostay dhanka Maamulka Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here