Xeerar cusub oo lagu soo rogay dadka u safraya Shiinaha

Dhammaan rakaabka doonaya in ay u safraan dalka Shiinaha ayaa inta aysan Kenya ka ambabixin laga baaraya cudurka COVID-19.
Amarkan ayaa dhaqangalay shalay oo sabti ahayd waxaana qoraalka ku cad in cidii laga helo cudurka aysan safri doonin.
Safaaradda Shiinaha uu ku leeyahay magaalada Nairobi ayaa amarkan soo saartay.
Waxay safaaraddu sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada looga hor tagaya in fayraska loo gudbiyo xukuumadda Beijing oo uu horay uga soo billowday balse ku guulaysatay inay xakameyso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here