Xeerka doorashada Soomaaliland oo la meelmariyay

Golaha Guurtida Somaliland ayaa Duuduub ku Ansixiyay Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan galinta Cod-bixiyayaasha Soomaaliland oo horay uu ugu soo gudbiyay guddiga doorashooyinka.
Fadhiga lagu Ansixinyay Xeerkaan ayaa waxaa ka soo Qayb galay 53 Xildhibaan waxaa ogolaaday 49 mudane laba Xildhibaana waa diideen Hal Xildhibaan ayaana ka aamusay sidaasi ayuu kaga Gudbay Golaha Guurtida Somaliland Xeerka doorashooyinka iyo diiwaan Galinta Cod-bixiyeyaasha.
Golaha guurtida Somaliland ayaa dhowr jeer walaac ka muujiyay inaan lasoo dedejin sharciggaan oo ay u arkayaan inuu muhiimada weyn leeyahay maadaama arimaha doorashada lagu hagayo.
Xeerka doorashooyinka Soomaaliland ayaa ka soo Gudbay Golaha Wakiilada Somaliland una Gudbaya Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si uu u saxiixo kaddibna uu u noqdo sharci dhaqangalay oo qodobadiisa la adeegsado Xilligga doorashada soo aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here