Xiisad dagaal oo ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Sool

Wararka laga helayo deegaano hoostaga Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan inay halkaasi ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamo ka wada tirsan kuwa Soomaaliland.
Xiisadaan ayaa waxaa si gaar ah looga dareemay deegaanka Gooja Cadde oo dhaca duleedka magaalada Laascaanood,kadib markii Xabsiga la dhigay taliye ku xigeenka qaybta 7-aad ee ciidamada Somaliland Ibraahim Ashkir.
Ciidamo ka carooday xariga taliyaha iyo Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland ee Gobolka Sool ayaa la sheegay in haatan ay u dhaxeyso xiisad dagaal,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay ka cabsi qabaan in Ciidamada dhexdooda ay dagaalamaan.
Taliyaha qaybta 7-aad ee Ciidamada Soomaaliland Korneyl Mahad Cambaashe ayaa la shaaciyay in uu amray xariga taliye ku xigeenka qaybta 7-aad ee ciidamada Somaliland Ibraahim Ashkir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here