Xildhibaan Babu Owino oo loo wareejiyay xabsiga Gigiri

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Bariga Embakasi Babu owino oo shalay nin rasaas ku dhuftay ayaa laga wareejiyay xabsiga Kilimani waxaana loo wareejiyay saldhiga Gigiri sababo la xariirta ammaankiisa.
Shalay ayay ahayd markii uu pastoolad ku dhuftay nin lagu magacaabo DJ Evolv xili ay ku sugnaayeen goob baar ah ee magaaladatan Nairobi.
Babu Owino ayaa ninka waxaa uu rasaas kaga dhuftay qoorta waxaana lagu dabiibayaa isbitaalka Nairobi.
Dhakhaatiirta Isbitaalka ayaa sheegay in dhibanaha uu ka baxay halistii soo gaartay haatan xaaladiisu ay wanaagsan tahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here