Xildhibaan doonaya in Dowladda lagu khasbo inay shacabka maaskaro u qeybiso

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Lugari ee ismaamulka Kakamega , galbeedka dalka Mr. Ayub Savula ayaa dalbanaya in Dowladda dhexe Khasab looga dhigo inay dadweynaha u qeybiso maaskaro ama marada sanka lagu xirto.
Mr. Savula iyo qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa walaac ka muujiyay qiimaha maaskarada lagu iibiyo.
Sido kale waxay sheegeen inaan sida habboon loo maareyn ganacsigan.
Dowladda dhexe ayay doonayaan inay faahfaahin ka bixiso sida adeeggan loo isticmaali karo si nolosha shacabka looga badbaadiyo cudurka Covid-19 ee Coronavirus.
Mr. Savula ayaa golaha qaran ee sharci dejinta hor dhigay mooshin uu ku doonayo in Dowladda ay shacabka si lacag la’aan ah ugu qeybiyo maaskaro ku filan iyo gacmaha nadiifiyaha loo yaqaano Handsanitizer.
Mudanaha deegaanka Githunguri, Gabriel Kago ayaa dhankiisa wasaaradda caafimaadka ka dalbaday inay bayaan ka soo saarto sida ay ku xaqiijinayso in maaskarada dadka laga iibinaya ay tahay mid taya leh sido kalena qiimo ahaan la awoodi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here