Xildhibaan hore oo dalbanaya in lacago la siiyo mudanayaashii ugu horeeyay ee baarlamaanka

Xildhibaankii hore ee deegaanka Ntonyiri ee ismaamulka Meru Joseph Muturia ayaa doonaya in madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uunan qalinka ku duugin hindise sharciyeed uu maalmo ka hor baarlamaanka ansaxiyay .
Hindisahan ayaa ah isbeddel lagu sameeyay lacagaha howlgabka ee xubnaha baarlamaanka waxaana loo yaqaanaa Parliamentary Pensions (Amendment) Bill, 2019.
Mr. Muturia ayaa codsanaya in hoggaamiyaha dalka uunan ogolaan ilaa iyo inta lagu soo daraya magacyada siyaasiyiintii ka tirsanaa baarlamaanadii koowaad iyo labaad ee Kenya.
Xilli uu la hadlay wargayska Nation ayuu siyaasigan hore sheegay in la iska indhatiray xubnihii aasaasay golaha xeer dejinta.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii mudanayaasha baarlamaanka ay meel mariyeen in xildhibaan kasta oo shaqeynayay intii u dhexeysay sanadihii 1984-tii ilaa 2001-dii bil kasta la siiyo 100,000 oo shilin.
Mr Muturia oo ka mid ah siyaasiyiintii hore ee qorshahan ka faaiidaya ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in sido kale la tixgeliyo mudanayaashii 1963 ilaa 1984-tii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here