Xildhibaan ka soo horjeestay howlgalada keynta Mau oo la xiray

Saraakiisha ammaanka ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga u taxabeen xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Emurrua Dikirr ee ismaamulka Narok Mr. Johanna Ngeno.
Siyaasigan ayaa lagu eedeyay inuu hoggaamiyay dibadbax looga soo horjeedo howgalada dowladda dhexe ay keynta Mau uga saarayso qoysas ka badan 60, 000 oo halkaasi si sharci darro ah ku degay.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda deegaanka , Keriako Tobiko uu in ka badan 10,000 oo ka mid ah dadka halkaasi ku nool u qabtay muddo 60 maalmood ah.
Guddoomiyaha guddiga dowladda ay u xilsaartay howlgaladaasi George Natembeya sido kalena ah isku duwaha dhanka ammaanka ee gobolka Rift Valley ayaa dhanka kale u digay siyaasiyiin u sheegay inay jeedinayaan hadalo keeni karo kicin dadweyne.
Dowladda ayaa ku adkeysanaysa inaynan marnaba ka daali doonin badbaadinta keyntaasi halka madaxda laga soo doortay deegaanada kala duwan ay ka digayaan in qaab aan wanaagsaneyn oo ay saameyn ka dhalan karto loo fuliyo wajiga labaad ee howlgalada.
Qaar ka mid ah shacabka halkaasi isaga guuraya ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here