Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo doonaya in karantiil uunan jirin

Henry Smith xildhibaan

Henry Smith oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Ingiriiska ee matalo deegaanka uu ka tirsan yahay garoonka diyaaradaha ee Gatwick Airport ayaa sheegay inuu rajeynayo in dib u eegis lagu sameyn doono qorshaha la xiriira karantiilka dadka ka soo laabtay wadamada kale.
Waxaa uu xusay in arrinkan dib loo eegi doono toddobaadyada soo socdo si ugu dambeyn meesha looga saaro 1-da bisha toddobaad.
Boqortooyada Britain ayaa lagu wadaa inay billowdo karantiil 14 cisho ah oo ay galayaan shakhsiyaadka ka soo dego garoomada kala duwan.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka fayraska sii fidaya ee Corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here