Xildhibaan maalmo ka hor aflagaado u gaystay qoyska Madaxweynaha dalka oo sheegay inuusan raali galin bixin doonin

Maalin un kaddib markii laga siidaayay xabsiga booliska, xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Emurua Dikirr Johana Nge’no ayaa ku adkaystay inuusan wax raali galin ah kabixin doonin aflagaadada la sheegay inuu u gaystay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta iyo hooyadiisa .
Xildhibaankan ayaa Waxaa lagu sii daayay dammaanad lacageed oo dhan hal milyan oo shillinka dalka ah maalintii Khamiista.
Mr Ng’eno oo ah xildhibaan ka tirsanaa xisbiga Kanu ayaa si cad u sheegay inuu wali ku taagan yahay mowqifkiisa oo uusan raali galin bixin doonin.
Waxaa uuna sheegay in dalka aan loo rogi karin wadan boolis oo awood la adeegsado.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa siyaasiyiinta dhaliilsan maamulka talada haya ee Jubilee ugu baaqay in khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeya aysan ku soo qaadin magaca hooyadii oo ah marwadii koobaad ee ugu horreysay taariikhda Kenya.
Hadalka madaxweynaha ayaa yimid kaddib markii labo ka mid ah hoggaamiyaasha taabacsan ku xigeenka madaxweynaha William Ruto ay toddobaadkii hore jeediyeen hadallo si weyn looga fal celiyay.
Mr. Kenyatta ayaa arrin nasiib darro ah ku tilmaamay in madaxda la soo doortay halkii ay xallin lahayeen caqabadaha Kenyaanka ay hooyadii Mama Ngina Kenyatta aflagadeeyaan.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay inuu horay u sheegay inuu diiradda saaraya arrimaha horumarka oo uusan waqti xaadirkan siyaasad ku mashquulsanayn balse siyaasiyiinta aflaageynaya qoyskiisa uu ka dalbanaya inay dhaqankan joojiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here