Xildhibaan Oscar sudi oo damaanad lagu sii daayay

Maxkamad ku taal magaalada Nakuru ayaa shalay damaanad dhan 500,000 oo shilinka dalka ah ku sii daysay xildhibaanka Kapseret Oscar Sudi kaas oo xabsiga ku jiray maalmihii la soo dhaafay.
Xaakimka ayaa u diiday Mr Sudi inuu khudbad ka jeediyo isu soo bax dadweyne ilaa iyo inta laga dhameystirayo baaritaanka hadalada naceybka ah ku salaysa kaas oo lagu soo eedeeyay.
Muddo 7 maalmood ah ayuu xabsiga ku jiray isagoona wajahayo 5 dambi.
Mr Sudi ayaa maxkamadda sare u gudbiyay codsi ah in xarigiisa dib u eegis lagu sameyeo.
Jimcihi shalay isaga oo ka soo hor muuqda Garsoore Joel Ngugi xildhibaan Sudi wuxuu u caddeeyay garsooraha inuu diyaar u yahay inuu raaco shuruudo kasta oo ay maxkamaddu ka soo saari doonto siideyntiisa oo ay ka mid tahay inuu iska ilaaliyo hadalada kala qaybsananta dhalin kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here