Xildhibaan sheegay in dib u dhaca dhismaha Galmudug ay caqabad hor leh tahay.

Xildhibaan Xassan Cali Dhuux oo ka mid ah mudaneyaasha maamulka Galmudug ee hada Muda Xileedkoodu dhamaaday ayaa sheegay in dib u dhaca ku yimid dhismaha maamulka galmudug ay tahay caqabad weyn oo ka dhalatay Khilaafak soo noqnoqday iyo dad uu sheegay inay danahooda gaarka ah ka dhex fiirsanayaan dhismaha maamulka Galmudug.

Dhismaha maamulka galmudug ayaa dhowr mar waxaa ku yimid dib u dhacyo ayadoo markii hore ay dowlada Soomaaliya ay Juhdi badan ku bixisay in dadka deegaanka loo dhiso maamul ay u dhan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here