DHAGEYSO:Xildhibaan sheegay inaan marna Hay’adda dowladda Soomaaliya mudo kororsi loo ogolaanayn

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in maranaba aysan ogolaan doonin in muddo kororsi ay sameeyso dowladda hada jirta maadaama arintaasi ay ka hor imaanayso Dastuurka dalka.
Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad aad u dhib badan Xukuumaddii dalka ka jirtayna xilka looga qaada waxa uu ku tilmaamay qaab is xilqaan,hayeeshee sugayo soo dhisida Xukuumad Cusub oo wadanka doorasho gaar siisa.
Waxaa uu hadalkisa intaasi ku daray Xildhibaan Cosoble in Hay’adaah kala duwan ee dowladda,sida Golaha Shacabka & Aqalka sare iyo sidoo kale muddo xileedka Madaxweyne farmaajo uu yahay mid geb-gabo ah,balse aysan u muuqan in la qabanayo doorasho.
Soomaaliya ayuu sheegay inay soo martay Shan Madaxweyne oo kusoo shaqeeyay duruufaha hadda la maraayo mid ka adag,kuwaasna ay qabteen doorasho waqtigeeda ku dhacdo,isla markaana Madaxweyne Farmaajo aysan ka ogolaaneyn muddo kororsi.
Duruufahdaa hadda la maraayo kama dhib badna kuwii la soo maray, qof walba oo xil qabta wuu jeclaa in uu iska sii joogo,laakin waa laga diiday,waxaad ogtihiin in hadda la raadinaayo xilka Ra’iisul Wasaarenimo,waxaana idin sheegayaa xataa hadii uu Cosoble xilkaasi qabto in aan la ogolaan doonin muddo kororsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here