Xildhibaanada Ahlusuna oo lagu wada inay ku dhawaaqaan gudiga doorashada Galmudug.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Xubnaha guddiga farsamada iyo dhismaha galmudug ay sirasmi ah ugu dhawaaqaan liiska Xubnaha Baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug laga siiyey Ahlusuna oo ay dhawaan soo gudbiyeen hoggaanka Ahlusunna.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku amray Xubnaha guddiga doorashooyinka inay shaaciyaan liiska 20-ka Xildhibaan ee Ahlusunna laga siiyey Baarlamaanka cusub ee Maamulka Galmudug.
Xalay ayaa qorshuhu ahaa in Guddiga ay ku dhawaaqaan liiska Xildhibaannada Ahlusunna balse dib ayay u dhacday,iyadoo madaxa Xukuumada Galmudug kana mid ah Hogaanka Ahlusun Sheekh Maxamed Shaakir laga sugayey inuu Magacyada Xubnaha oo saxiixan uu ku wareejiyo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Galmudug.
Weli waxaa jira Beelaha qaar ee dega deegaannada maamulka Galmudug oo diidan Xubnaha Baarlamaanka Galmudug laga siiyey Ahlusunna, iyagoo sheegaya in Xubnihii ay lahaayeen la siiyey Urur gaar ah,balse Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku dadaalaya inuu xal kama danbays ah ka keeno tabashada Beelaha qaar sidoo kalena uud ar-dargaliyo dhismaha maamulkaas oo Lix bilood ka badan qaadatay intii lagu howlanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here