Xildhibaanada baarlamaanka oo doonaya in baaritaano lagu sameeyo Huduma Number

Mudanayaasha baarlamaanka dalka ayaa dalbaday in la guda galo baaritaano gaar ah oo ku aaddan barnaamijkii bilooyin ka hor Kenyaanka ay isku diiwaan geliyeen ee Huduma Namba.
Waxay arrintan qeyb ka tahay soo jeedinno ka yimid guddiga baarlamaanka u qaabilsan maareynta iyo qoondeynta miisaaniyadda dhaqaale ee uu dalka ku shaqeeyo.
Guddiga oo warbixin soo saaray ayaa dhanka kale su’aal geliyay lacago ay adeegsatay wasaaradda maaliyadda.
Xubnaha guddigan ayaa hadda xafiiska hanti dhowraha guud ugu baaqaya inuu sameeyo baaritaano la xiriira ah hannaanka lagu maareeyo aqoonsiga qaran ee NIMS ka hor inta aan la ansaxin hal bilyan oo ay wasaaraddu codsatay.
Sido kale baarlamaanka ayaa sheegay in dhaqaalaha loogu tala galay barnaamijka caafimaadka guud ee UHC la doonayo in si toos ah ismaamullada loogu wareejiyo.
Guddiga miisaaniyadda ee baarlamaanka oo uu hoggaamiyo mudanaha deegaanka Kikuyu, Kimani Ichungwa ayaa sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda , Ukur Yatani ku dhaliilay inuu dhimay lacagihii loo qoondeeyay baarlamaanka iyo waaxda garsoorka.
Sido kale xildhibaanada ayaa sheegay in haddii la tixgeliyo qorsho ka yimid wasaaradda maaliyadda oo la xiriira miisaaniyad dheeraad ah in deynta Kenya lagu leeyahay ay noqon doonto 6.4 tiriiliyoon oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here