Xildhibaanada baarlamaanka oo doonaya in la joojiyo barnaamijka Kazi Mtaani

Mudanayaasha golaha xeer-dejinta dalka ayaa dowladda ka dalbaday inay joojiso barnaamijka dhalinyarada shaqo abuurka loogu sameeyay ee Kazi Mtaani .
Waxay sheegayaan in aan horay qorsho wanaagsan loo dejin ka hor inta uusan madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta daahfurin.
Xildhibaanada ayaa hoosta ka xarriiqay in barnaamijkan uu waddo u furaya in la lunsado kheyraadka dadweynaha.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukur Yattani ayay u sheegeen in barnaamijkan uunan wax ku ool ahayn sidaas awgeedna dowladda laga doonayo inay dib u eegis sameyso.
Xubnaha baarlamaanka dalka ayaa sido kale go’aankooda ku saleeyay in dhalinyarada deegaanada ay cabasho ka muujinayaan in aan si siman loo shaqalaysiin.
Waxay mudanayaasha sido kale sheegeen in aan la isku dheeli tirin shaqooyinka ay dhalinyarada qabtaan iyo lacagaha la siiyo.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Limuru Peter Mwathi ayaa sheegay in barnaamijkan uu kala qaybsanaan ka dhex abuuray da’yarta.
Dowladda dhexe ayaa horay u sheegtay in ugu yaraan 270,000 oo dhalinyaro ah ay ka faa’iidaysan doonaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here