Xildhibaanada baarlamaanka oo doonayo in KDF la geeyo xuduudda lagu muransanyahay

Baarlamaanka dalka ayaa doonaya in dowladda dhexe ay qaaddo tallaabooyin ay ka mid tahay in ciidamada difaaca ee (KDF) la geeyo xuduudda ay ku muransanyihiin wadamada dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aaden Barre Ducaale iyo dhigiisa siyaasiyiinta laga tirada badanyahay John Mbadi aya arinkan si wadajir ah u soo bandhigay.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa maanta oo khamiis ah waxaa u billaabanaya fasax hal bil ah.
Karaaniga golaha qaran ee sharci dejinta Mr. Michael Sialai ayaa warbaahinta u sheegay in arrintan la soo gudbiyay laga doodi doono kaddib markii xildhibaanada ay fasaxa ka soo laabtaan.
Mudanayaasha mooshinkan keenay ayaa doonaya in dowladda Kenya ay adeegsato qaab waliba oo dastuuri a si ay u ilaaliso xuduudeeda.
Sido kale waxay ku talinayaan in muranka ka dhexeya Kenya iyo Soomaalita ee dhanka goobaha shidaal in lagu xalliyo qaab dibloomaasiyadeed.
Ducaale iyo Mbadi ayaa hoosta ka xarriiqay in urur goboleedka IGAD iyo jaaliyadda bariga Afrika ee EAC la doonayo inay kaalin ka qaataan xallinka khilaafka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here