Xildhibaanada baarlamaanka oo ka shiri doono la tacaalidda Coronavirus

Mudanayaasha baarlamaanka dalka ayaa la filayaa inay toddobaadkan yeeshaan kal fadhi ku saabsan wax ka qabashada cudurka Covid19 ee loo yaqaano Coronavirus.
Waxay ka doodi doonaan arrimo ay ka mid yihiin badbaadinta dhaqaalaha wadanka xilligan adag.
Aqalka sare ayaa lagu wadaa inuu kulan yeesho talaadada si miisaaniyad dheeraad ah loogu raadiyo barnaamijyada dowladda ay ku xakameynayso xanuunka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha baarlamaanka Mr. justin Muturi iyo dhigiisa aqalka sare Mr. Ken Lusaka ay sheegeen inay boqolkiiba 30 muddo saddex bilood ah dhimayaan mushaarka ay qaataan kaddib soo jeedin ka timid madaxweyne Uhuru Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here