Xildhibaanada baarlamaanka oo ka soo horjeestay amar ka soo baxay guddiga SRC

Mudanayaasha baarlamaanka dalka ayaa gaashaanka u daruuray go’aan ka soo baxay guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC oo ah in uu maxkamadda aadayo si dib loogu soo celiyo lacago gunnooyin ah oo dhawaan xildhibaanada la siiyay.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi iyo mudanaha laga soo doortay deegaanka Suba John Mbadi ayaa sheegay in SRC aanan laga doonayn inay takoor ku samayso xildhibaanada oo ay si siman ugu adeegto dhammaan shaqaalaha dowladda.
Mr. Muturi ayaa dhankiisa hoosta ka xariiqay inaynan wax micno ah lahayn in hadalo la isku mariyo warbaahinta balse marka ay kulan qaataan guddoonka baarlamaanka iyo guddiga musharaadka xal loo heli karo arrinka la isku hayo.
Dhawaan ayay ahayd markii guddoomiyaha guddiga SRC Lynn Mengich ay sharci darro ku tilmaantay in siyaasiyiinta dalka la siiyo lacago gunnooyin ah oo la xariira hooyga oo laga soo billaabayo bishii tobnaad ee sannadkii hore sidaasi awgeedna ay qaadayaan tallaabo sharciyeed oo ka dhan ah guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC.
PSC ayaa xildhibaanada u ogolaatay in mid kasta uu bil waliba qaato ama loo xisaabiyo 250,000 oo shilin oo ah gunnooyin ku saabsan guriyaha ama hooygooda.
Mrs. Mengich ayaa hoosta ka xariiqday in guddiga SRC ay mas’uuliyad dastuuri ah ka saarantahay inuu jaangooyo musharaadka iyo gunnooyinka shaqaalaha dowladda si cadaalad ay u jirto oo aynan marnaba ogolaan doonin in la bixiyo lacago mushaar kordhin ama gunnooyin ah oo uunan guddigu ansixinin.
Sido kale waxay sheegtay in lacagaha gunnooyinka ee la siiyay xildhibaanada baarlamaanka ay sannad kasta dowladda Kenya uga bixi doonto lacag gaaraysa1.2 bilyan oo shilin.
Taariikhudu markay ahayd 5-tii bishii tobnaad ee sannadkii 2018-kii ayuu garsoore Chacha Mwita oo ka howlgalo maxkamadda sare ee dalka go’aamiyay in dhammaan shaqaalaha dowladda ay xaq u leeyihiin in dowladdu ay siido guri ama gunnooyin ku addan guriyaha.
Waxaa ka sii horreeyay in 7-dii bishii toddobaad ee 2017-kii guddiga musharaadka ee SRC uu soo saaray qoraal uu meesha uga saarayo lacagaha gunnooyinka ee ay qaataan saraakiisha dowladda ee ka tirsan golaha fulinta, baarlamaanka, waaxda garsoorka iyo xafiisyada madaxa bannaan.
Hasa ahaate bishii Novembar ee sannadkii hore ayuu garsoore George Odunga oo ka mid ah xaakiinada maxkamadda sare waxba kama jiraan ka soo qaaday go’aankii SRC.
Guddiga ayaa go’aanka maxkamadda racfaan ka qaatay waxaana la filayaa in maxkamaddu ay dhagaysato 24-ka bishan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here