Xildhibaanada baarlamaanka oo wasaaradda maaliyadda ugu baaqay inay la tacaasho deymaha shisheeye

Mudanayaasha baarlamaanka dalka ayaa wasaaradda maaliyadda u soo jeediyay inay qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah oo hiigsiga dhaqaale ee wadanka iyo mashaariicda horumarineed ee la doonayo in la fuliyo ay u noqon karaan kuwo cagli ah.
Tallaabadan ayaa lagu doonaya in lagu yareeyo deymaha dal kale uu ku yeelan karo Kenya.
Arrimahan ayay xildhibaanada shaaca ka qaadeen xilli ay kulan ku yeesheen ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta.
Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka u qaabilsan miisaaniyadda Kimani Ichung’wa ayaa wasaaradda maaliyadda ku dhaliilay inay sameysay habacsanaan dhanka wax ka qabashada deymaha ah.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inaynan suurtagal ahayn in la yeesho qorsho maaliyadeed oo ka badan midkii sannadkii hore iyadoo midkii la dejiyay 2018-kii aanan si buuxda loo haleelin.
Agaasimaha wasaaradda maaliyadda ee dalka u qaabilsan xeerarka iyo istaraatiijiyadda la xariirta amaahda ,Daniel Ndolo ayaa dhankiisa sheegay in deyn qaadashada Kenya ay tahay mid dhexdhexaad ah.
Dhanka kale madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka ee State House Mr. Nzioka Waita ayaa beeniyay in dowladda Kenya ay shiinaha ka codsatay inuu siiyo amaah lacageed oo dhan 368 bilyan oo shilin si loogu qarash geliyo dhismaha wajiga labaad ee khadka casriga ee tareenada ee SGR-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here