Xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Somaaliya Oo Maanta Laga Hor Aqrin Doono Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ganacsiga.

96

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Ayaa Maanta Waxaa Lagu Wadaa In Kulankoodii Caadiga Ahaa Ay Ku Yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka Ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha Kulanka Xildhibaanada Ayaa Waxa Uu Yahay Aqrinta Labaad Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ganacsiga.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Xalay Lagu Wargeliyay In Maanta Uu Jiro Kulanka Baarlamaanka,Isla Markaana Laga Doonayo Ay Ka Yimaadan Kulnakaas .

Xarunta Golaha Shacabka Ayaa Waxaa Saakay Ka Socda Diyaar Garoow Ku Aadan Sidii Uu U Furmi Lahaa Kulanka Xildhibaanada,Iyadoona Amniga Aad Loo Adkeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here