Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya oo Maanta Kulan yeelanaya

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay Arbacada Maanta ah kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho,kulan kaasoo ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah oo ka mid ah qorsheyaasha Baarlamaanka hor yaala.
Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Nootaayooyinka,kaasoo Xildhibaannada Golaha Shacabka Isniintii la soo dhaafay la filayay inay marsiiyaan Akhrintaab,balse kooram la’aan uu u baaqday kulankaa.
Xildhibaannada Golaha Shacbiga Soomaaliya ayaa waxaa xalay loo diray farriimo ku saabsan in Maanta uu jiro Kulanka Golaha,isla markaana ay kasoo qeyb galaan waqtigana ilaaliyaan.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa waxaay hadda ku jiraan kala-fadhiga 7aad ee ugu dambeeya muddo xileedka Baarlamaanka,waxaana horyaalla Shaqooyin dhowr ah oo laga doonayo inay soo dhamaystiraan intaa la gaarin dhamaadka Mudo xileedkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here