Xildhibaanada haweenka ah oo olole ugu jiro wax ka qabashada gabdhaha uurka qaadaya

Ururka haweenka ka tirsan baarlamaanka dalka ee KEWOPA ayaa guda galay olole ballaaran oo ay ku doonayaan in lagula tacaalo kiisaska la xiriira gabdhaha yaryar ee xilli hore la uureynaya.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii xubnaha ururkan ay kulan la qaateen wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha.
Guddoomiyaha KEWOPA Gathoni Wamuchomba ayaa sheegtay in lagu heshiiyay in arrinkan ay iska kaashadaan guddiyada waxbarashada, caafimaadka , arrimaha gudaha iyo teknolojiyadda ee baarlamaanka.
Waxay sheegtay inay guud ahaan wadanka ka sameyn doonaan olole ballaaran oo looga hortagaya in gabdhaha ay xilli hore uur qaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here