Xildhibaanada Itoobiya oo taageray in xaalad degdeg ah lagu soo rogo gobolka Tigre

Mudanayaasha baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ansaxiyay xaalad degdeg oo muddo 6 bilood ah la gelinaya gobolka waqooyi ee Tigre.
Waxay tani ku soo aadaysa hal maalin un kaddib markii ra’iisul waasaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmad uu amray in gobolkaas la geeyo ciidamada difaaca.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaalka ay dowladda federaalka Itoobiya ugu jirto inay si buuxda u maamusho gobolkaas oo bishii sagalaad lagu qabtay doorasho lagu dafiray xukuumadda Abiy.
Warbaahinta Fana ayaa ku warramaysa in xildhibaanada ay si aqlabiyad leh u meel mariyeen xaaladda degdegga ah.
Dastuurka Itoobiya ayaa dhigaya in iyadoo la adeegsanaya amarkan dowladdu ay awood buuxda u leedahay ilaalinta amniga dalkaas iyo madax banaanidiisa.
Waxay tani micnaheedu tahay in xita ay hakin karto adeegsiga xuquuqda siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here