Xildhibaanada Malindi Aisha Jumwa oo lagu soo oogay dacwad dil ah

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogida ee dalka Nuurdiin Xaaji ayaa dacwad dil ah iyo eedeymo kale waxaa uu ku soo oogay xildhibaanada laga soo doortay Malindi Aisha Jumwa.
Mrs Jumwa iyo ilaaliyaheeda Mr Otieno ayaa lagu eedeynaya inay ka dambeeyeen dilka toogashada ah ee loo gaystay Gumba Jola oo adeer u ah siyaasiga ka tirsanxisbiga ODM Reuben Mwambize Katana.
Dilka lagu soo eedeeyay Aisha Juma ayaa waxaa ay dhacday sanadkii hore 2019-kii.
Dambi baarayaasha Kenya ayaa ka baaraya Aisha Jumwa dambiyadan kala ah kicin dadweyne, iyo dil.
Booliska ayaa sheegay inay ogaadeen in xildhibaanad Aisha Jumwa ay jabisay xeerka ololaha doorashadii ku celiska ahayd ee ka dhacday Ganda ee deegaanka Malindi.
Dacwada ka dhanka ah Mrs Jumwa ayaa uimaanaysa laba bilood un ka dib markii ay wajahday arrimo musuqmaasuq ah oo la xariirta sanduuqa hormarinta ee deegaanada taasi oo loo yaqaana CDF-fa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here