Xildhibaanada Malindi oo damaanad lagu sii daayay

Maxkamad ayaa jimciha maanta lacag damaanad ah oo gaaraysa 3 milyan ku sii daaysay xildhibaanada laga soo doortay Malindi Aisha Juma taas oo wajahaysa eedeymo ka dhan ah dil.
Ilaaliyaheeda Geoffrey Otieno, oo isagana wajaho dacwad dil ah ayaa lagu siidaayay 1 milyan oo shillinka dalka ah.
Mrs Juma ayaa lagu amray in baasaboorkeeda ay kaga tago maxkmadda.
Xildhibanaada Malindi ayaa lagu soo eedeeyay inay ka dambaysay dilka loo gaystay Ms Jola Ngumbao, oo ahayd taageere ka tirsan xisbiga ODM taas oo la toogtay bishii Oktoobar ee sanadkii hore intii lagu guda jiray ololaha doorashadii ku celiska ahayd ee degmada Ganda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here