Xildhibaanada mucaaradka ee Hong Kong oo sheegay in ay is wada casilayaan

Xeer dejiyaasha ka tirsan garabka mucaaradka ee Jamhuuriyadda Hong Kong oo gaaraya 19 ayaa sheegay in ay hal mar ah iska wada casilayaan xilalka ay hayaan.
Waxay ka soo horjeedaan sharci ay meel marisay dowladda Shiinaha oo xilalkoodii ay ku waayeen afar ka mid ah.
Shiinaha ayaa ansaxiyay sharci ah in maamulka fulinta ee Hong Kong uu awood u leeyahay inuu meesha ka saaro xubinimada siyaasiyiinta ka tirsan golaha xeer dejinta ee loo arko in ay halis ku yihiin amniga qaran.
Xildhibaan ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo lagu magacaabo Wu Chi-Wai ayaa maanta wacad ku maray in ay dhammaantood xafiisyada baneynayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here