Xildhibaanada oo ansaxiyay magaca hanti dhowraha cusub ee dalka

Mudanayaasha baarlamaanka dalka ayaa ansaxiyay in Ms Nancy Janet Gathungu ay qabato xilka dhawaan loo magacaabay ee hanti dhowraha guud ee wadanka.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa hadda la filayaa inuu qalinka ku duugo meel marinta mudanayaasha.
Ms Gathungu ayaa hadii uu madaxweynaha saxiixo buuxin doonto xilkii uu bishii sideedaad ee sannadkii hore baneeyay Mr Edward Ouko.
Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa su’aal geliyay qaabka magacaabidda Nancy loo wajahay.
Hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Mr. John Mbadi ayaa sheegay in loo baahan yahay in dastuurka la beddelo si guddi madax bannaan uu magacaabista u sameeyo.
Waxaa uu xusay in guddiga adeegga dadweynaha ee (PSC) oo magacaabista sameeya aynan ahayn qaabka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here