Xildhibaanada oo soo jeediyay sharci adag oo ka dhan ah turxaan bixinta wasiirada

Xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa soo jeedinaya in sharci adag la sameeyo kaas oo mustaqbalka saameyn ku yeelan doono turxaan bixinta wasiirada la soo magacaabo.
Waxay sheegeen inay doonayn in mar danbe ay ansixiyaan wasiirro ama safiirro guddiga EACC uu xafiiska uga saaro anshax xumo taasoo ceeb ku noqon karta xukuumadda talada haysa.
Mudanayaasha ayaa xusay inuu jiro gaabad dhanka turxaan bixinta wasiirada isla marka la doonayo in wax laga beddelo qaabka hadda la isticmaalo si mas’uuliyiinta la ansaxinaya ay u noqdaan kuwo daacad ah.
Sida ay soo jeedinayaan xildhibaanada, wasiir kasta oo la magacaabo ayaa la doonaya in uu haysto shahaadada Degree isaga oo ka soo baxay jaamacad la aqoonsan yahay.
Sharciga hadda jira ayaa magacaabidda wasiiradda aan si cad ugu xirayn shahaadada Degree.
Arrintan ayaa waxaa soo jeediyay xildhibaanka deegaanka Kiminini Chris Wamalwa oo carrabka ku dhuftay inaynan wax micno ah lahayn in wasiirada ismaamullada sharddigan lagu xiro balse kuwa heer qaran aan laga dalban inay soo buuxiyaan.
Xildhibaanada ayaa sido kale doonaya in goobta turxaan bixinta ay yimaadaan saraakiil matalaya guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqa ee EACC iyo waaxda dambi baarista dalka ee DCI si ay macluumaad dheeraad ah uga bixiyaan shakhsiga la ansixinayo.
Sido kale mudanayaasha ayaa ku talinaya in saraakiisha guddiga qaabilsan amaah siinta ardeyda dhigta jaamacadaha ee loo yaqaano HELB iyo maamulka canshuuraha dalka ee KRA ay yimaadaan baarlamaanka si ay uga war bixiyaan in wasiirada la soo magacaabay aynan canshuur bixin iyo in kale ama lagu leeyahay wax amaah ah.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Garissa Township , Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inaynan dooneyn xaalad ah in wasiir la meel mariyo saddex toddobaad kaddibna loo xiro uunan canshuur bixin ama arrimo kale oo la xiriira anshax xumo lagu eedeynayo.
Sharci dajiyaasha dalka ayaa sido kale doonaya in wax laga beddelo sharciga ansixinta baarlamaanka ee 2011-kii, kaas oo mudada lagu turxaan bixin karo wasiirada ay tahay 14 cisho gudahood.
Waxaa ay ku doodayaan in mudadaasi ay yartahay sidaas awgeedna loo baahan yahay in laga dhigo hal bil si faahfaahino qoto dheer looga helo shahkhsiga la doonayo inuu bulshada u adeego.
Xildhibaanada ayaa sido kale doonaya in magacaabida wasiiradda lagu saleeyo isku dheelitirka gobollada iyo qowmiyadaha dalka ka jira sida ku cad cutubka 130-aad, farqada 2-aad ee dastuurka wadanka u degsan.
Hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka dalka John Mbadi ayaa sheegay in Kenyaanka ay su’aalo badan isweydiiyaan marka ay arkaan mas’uuliyiin aan lagu qanacsaneyn oo xildhibaanada ay ansaxiyeen inuu xil qaran qabto.
Ugu dambeyn wasiiradda la soo magacaabayo ayaa laga doonaya in ay sharaxaan qaabka ay ku heleen hantidooda iyo qiimaha ay dhan tahay.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Funyula , Wilberforce Oundo ayaa dhankiisa sheegaya inaynan jirin baahi keeni karto in dib u eegis lagu sameeyo hannaanka turxaan bixinta ee wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here