Xildhibaanada oo u yeray shirka Infotrak oo sameysay sahanka kala sareysiinta xildhibanada

Afhayeenka aqalka baarlamanka Justin Muturi ayaa ku amray shirkada Infrotrak inay ka soo hor muuqdaan guddiga aqalka baarlamanka ee waxbarashada iyocilii baarista ka dib markii ay sahan sameeyaan u cuntami waayay qaar ka mid ah xildhibanada.
Sahanka Infotrak kala sareysiintan kuwa ugu wanagsan iyo kuwa ugu liita xildhibanada ayaa muran ka dhalisay aqalka baarlamanka talaadadii taasi oo ku khsabatay guddomiyaha aqalka baarlamanka inuu u yeero Madax fulinta Infotrak Ms Angela Ambitho, kana soo hor muuqato gudidga si ay ufaahfahiso hannanka au adeegsadeen.
Amarki Mr Muturi ayaa imaanaya iyadoo qaar ka mid ah sharcidejiyasha oo ay hoggamineyso xildhiban Millie Odhiambo oolaga soo doorto Woqooyiga Suba, oo sahanka uutusayo inay tahay xildhibanka ugu xun ayaa sheegtay in Shirka Infotrak sahankooda siyaasada ku geedaamantahay.
Sharci dejiyasha ayaa ku andacoonaya inaan qaar kood in lala socodsiinin sahanka, halka kuwii loo shegeyna laga dalbaday inay bixiyaan laaluush.
Guddomiyaha ayaa sheegay in Ms Ambitho ka soo hor muuqan doonto guddiga aqalka barrlmanka ee waxbarashada iyo cilmi barista si ay ula wadaagto gudidga macluumad ku saabsan qaabka ay sahanka u sameeyen, dadka la wareystay iyo inta ay dhanyihiin dadka ay waresyteen.

Guddiga oo ay guddomiso haweeneyda wakiilka ismamaulka Busia Florence Mutua ayaa sido kale waxa laga doonayo inay xaqiijiyaan macluumadka ay keento Ms.Ambitho inay yihiin kuwa ku saabsan shaqooyiinka loo igmay xildhibanada.

Makrii ay shaaca ka qaadayeen sahankaii axadii Ms.Ambitho ayaa sheegtay in la adeegsaday wareysiyo lagu qaaday telefanka si ay u helaan macluumadka waxqabadka sharci dejiyaasha 290-ka ah iyo 47 wakiil ee haweenada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here