Xildhibaanada Soomaaliya oo dib u eegaya heshiisyada Turkiga lala Galay

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaay ku yeelanayaan kulankoodii Caadiga ahaa oo ka dhacaya Xarunta Villa Hargeysa waxaana looga hadlayo Kulankaan arrimo hdowr ah oo ka mid ah shaqooyinka Muhiimka ah ee Baarlamaanka Xoryaala mudo Xileedkaan.
Ajandayaasha Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaay kala yihiin Akhrinta 1aad ee Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ay wada galeen iyo Xeerka Astaynta Kuraasta Golaha Shacabka oo doodiisu bilaabaneyso.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu Maanta jiro kulanka Golaha Shacabka, loogana baahan yahay Xildhibaannada inay kasoo qeyb-galaan.
Baarlamaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaay dood adag ka lahaayeen matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka, iyadoo ugu dambeyn Gobolka Banaadir Ay Baarlamaanka u ansixiyay 13 Xubnood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here