Xildhibaanadda Ijara oo boogaadisay arday farsamada gacanta baranaya

Xildhibaanadda laga soo doortay deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa Safiya Cabdi ayaa ardayda gobolka waqooyi bari ku dhiirigelisay inay bartaan farsamada gacanta.
Waxay carrabka ku dhufatay in hadda dunida uu ka jiro isbeddelka dhanka shaqada ah iyadoo tusaale u soo qaadatay wax soo saarka wadamada Japan iyo Shiinaha oo ay sheegtay inuu ku saleysanyahay farsamo gacmeed.
Ilaa 50 dhalinyaro ah oo ka soo jeedo deegaankeeda oo fursad u helay inay bartaan farsamada gacanta ayay ku boogaadisay go’aanka ay qaateen.
Waxay kula dardaarantay inay ka faaiidaystaan fursadda ay heleen si ay u anfacaan naftooda, qoysaskooda iyo bulshada.
Xildhibaanadda ayaa carrabka ku adkeysay in gobolka waqooyi bari ay ka jirto baahi loo qabo noocyada kala duwan ee farsamada sidaasi awgeedna dhalinyarada laga doonayo in ay ka gudbaan in shaqooyinka yaryar ay ka xiishoodaan.
Waxay sheegtay in shaqa la’aanta haysato dhalinyaro badan oo ku nool dalka ay sabab u tahay inaynan da’yarta lahayn xirfadaha ay ku shaqeysan karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here