DHAGAYSO:Xildhibaanadda Ijara oo codsatay in la caawiyo dadka ay duufaanta saamaysay

Xildhibaanadda laga soo doortay deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa Safiya Cabdinuur ayaa dowladda dhexe, midda ismaamulka iyo hay’adaha samafalka ka codsatay inay caawiyaan dadka ku nool deegaankaasi ee ay saameynta ka soo gaartay duufaan halkaasi ku dhufatay.
Waxaa degmada Masalani ka da’ay roob iyadoo dabeysha oo ahayd mid xooggan ay saqafyada ka qaadday guriyo, dugsiyo iyo isbitaalo.
In ka badan 200 oo guriyo ah ayay duufaantu saamaysay sida ay faahfaahinayso Safiya Cabdi oo halkaasi tagtay

Baaqa ku aaddan cawimaadda ay doonayso in shacabka dhibaataysan la gaarsiiyo ayay u dhigtay sidatan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here