Xildhibaanadda Malindi oo la doonayo inay berri iska xaadiriso saldhigga booliska

Caaisha Jumwa oo laga soo doortay deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi , gobolka xeebta ee dalka ayaa lagu wadaa inay berri tagto saldhigga booliska ee dekadda Mombasa.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii maxkamadda Mombasa ay xildhibaanadda ku amartay inay laamaha ammaanka isku soo dhiibto ugu dambeyn 31-da bishan.
Waxaa amarkan lagu saleeyay go’aan ka soo baxay agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji oo ahaa in gacanta lagu dhigo Caaisha Jumwa iyo iyo 6 sarkaal oo kale.
Mas’uuliyiintan ayaa loo haystaa fadeexad musuqmaasuqa oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 57.7 milyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa qayb ka ah kheyraadka sanduuqa horumarinta deegaanka Malindi ee Kilifi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here