Xildhibaanka bariga Embakasi Babu Owino oo la xiray ka dib markii uu qof rasaas ku dhuftay

Xildhibaanka Bariga deegaanka Embakasi Babu Owino ayaa saaka gacanta lagu dhigay ka dib markii uu qof rasaas kaga dhuftay qoorta xili uu ku sugnaa goob baar ah ama Club.
Agaasimaha dambi baarista ee dalka George Kinoti ayaa sheegay in mudanaha loo hayo inuu qof toogtay.
Xildhibaanka bariga Embakasi ayaa dhacdadan ka gaystay baar ku yaala Galana Road ee magaaladatan Nairobi.
Ninkii uu rasaasta ku dhuftay ayaa ku sugnaa goobta lagu caweeyo waxaana soo gaaray dhaawac culus isagoona loola cararay isbitaalka Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here