Xildhibaanka bariga Embakasi oo maxkamadda la soo taagay

Waxaa maanta maxkamadda ka soo hormuuqday mudanaha deegaanka Bariga Embakasi ee magaalada Nairobi Paul Ongili oo ku magac dheer Babu Owino.
Xildhibaanka ayaa lagu soo oogay dacwad ah iskuday ku aaddan inuu dil gaysto.
Maalinkii Jimcada ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeyay inuu toogasho ka gaystay mid ka mid ah goobaha lagu caweeyo ee caasimadda dalka.
Babu Owino ayaa ka soo hormuuqday garsoore Francis Andayi, wuxuuna iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay.
Toogashada dhacday ayaa waxaa ku dhaawacmay Felix Orinda oo loo yaqaano DJ Evolve.
Markii la qabtay kaddib waxaa la geeyay saldhigga booliska ee Kilimani ka hor inta aan loo sii qaadin Gigiri
Xildhibaanka deegaanka Bariga Embakasi oo loo haysto in isagoo hubeysan ku kacay habdhaqan aan wanaagsnaeyn ayaa maxkamadda ka codsaday inay damiin ku siidayso.
Hasa ahaate qareenka ayaa sheegay in codsigiisa go’aan laga soo saari doono 27-ka bishan kowaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here